Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Post oo wareysatay qareenkii difaacayay weriye Tallman, isagoo bixiyay macluumaad culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta PuntlandPost ayaa wareysatay qareenkii difaacayay weriye Axmed Tallman oo shalay dib xoriyadiisii u helay kadib markii uu raali galin ka bixiyay eedayntii loo haystay oo maxkamad lagusoo taagay.

Qareen Siciid Axmed Faarax ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay raali galinta uu weriyuhu bixiyay, isagoo sheegay inaanu jirin waddo kale oo ufurnayd maadaama uu weriyuhu haysan cadeymo ku filan.

15 sano oo xabsi ah ayuu weriyuhu ku mutaysan karay haddii lagu heli lahaa dambiyada lagusoo eedeeyay, oo ay kamid ahaayeen, Qalqal galin amni, kicin dadweyne, been abuurasho, sumcad dilid dowladdeed iyo laaluush, sida ay Puntland Post kasoo xigatay gal dacwadeedka Tallman.

Radio Daljir ayaa dhawaan baahisay warbixin ku saabsanayd in ciidanka taliyaha booliiska Puntland ay jir dil udileen maxbuus ku eedeysnaa inuu katirsanaa Alshabaab. Warbixintaas oo keentay in dowladda sharciga la tiigsato agaasime Tallman oo ahaa agaasimihii Daljir.

HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA AAN QAREENKA LA YEELANAY.

PUNTLAND POST

The post Puntland Post oo wareysatay qareenkii difaacayay weriye Tallman, isagoo bixiyay macluumaad culus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this