Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar iyo dagaal kooban oo ka dhacay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ee ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigyyo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegatay in khasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac ay geysteen madaafiicdaasi, balse aysan cadeyn inta uu la’eg yahay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la xariira weerarkaasi iyo khasaaraha uu geystay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Badhaadhe ayaa sheegaya in agagaarka degmadaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Jedacaley ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban,  kadib ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay Al-Shabaab.

Sidoo kale  ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoon a dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this