Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare ee Puntland oo diiday dib u eegis ku saabsan kiiskii Caaisha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada sare ee dowladda Puntland, ayaa diiday dib u u eegis ay dalbadeen qareenadii difaacayay saddexdii nin ee dilka loogu xukumay kiiskii kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo shir jira’id saxaaafada u qabtay ayaa sheegay in maxkamada sare ay sheegtay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulindoono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay.

Ilyaas Aadan oo saxaafada isagana si kooban ula hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada, wuxuuna sheegay inuu qisaasanayo ragga gabadhiisa dilay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada sare ee Puntland oo diiday dib u eegis ku saabsan kiiskii Caaisha Ilyaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this