Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Macawiisley oo weerartay Al-Shabaab iyo dagaal ka dhacay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Wararka aya sheegaya in dagaalka ah oo mid uu culus uu u dhexeeyey dagaalyahannada Al-Shabaab iyo kooxda la magac baxday Macawiisley oo ka dagaalanta HirShabelle.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa yimid, kadib markii kooxda Macawiisley oo ah shacab is abaabulay ay weerar gaadma ah ku qaadeen fariisimo kooxda Al-Shabaab ku leedahay duleedka degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Dagaalka oo  la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaan uga baxay Buulo-burte.

Muddooyinkii dambe Hiiraan waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ciidanka dowladdu ay ka wadeen gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this