Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Africa Iyo Ruushka Oo Maanta Furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaala xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka uu ka furmo, shirweynihi ugu horreeyay ee u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka qaaradda Africa.

6AE69316-F39B-42A3-8541-82E900A781A1_w10

Shirkani oo uu hadafkiisa yahay in Ruushka uu saameyn ballaadhan ku yeesho Africa sida Shiinaha iyo Mareykanka oo kale, ayaa socon doona laba maalmood, waxaana ka qeybgalaya wufuud gaadheysa 3,000 oo qof oo ka kala socda dhamaan 54-da wadan ee ay ka koobantahay Qaaradda Africa.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa furi doona, waxaana la shir gudoomin doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo hadda ah madaxa ururka Midowga Africa.

Ilaa 43 hogaamiye ayaa madasha ku kulmaya, waxaana ku jira hogaamiyaha dalalka Angola iyo Ethiopia oo ka mid ahaa dalalki aadka ugu dhawaa Midowgii Soofiyeetki Ruushka. Waxaa kale oo jooga madaxda dalal aanan Ruushka xidhiidh wanaagsan lasoo yeelan sida Nigeria iyo Ghana.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka Ruushka iyo Africa maanta uga furmaya magaalada Sochi ee dhaxda xeebta Bada Madow ee Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this