Sign in to follow this  
Deeq A.

Bashar Al-Asad Oo Nin Budhcad Ah Ku Tilmaamay Madaxweynaha Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin Budhcad ah oo ku soo duulay Suuriya.

1571770042faf44.jpg

Mr Asad ayaa wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan deegaanada ka maqan ee ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ka baxay gacanta dowlada intii lagu guda jiray dagaalkii Sokeeye.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay Jiida hore ee dagaalka ee waqooyiga Suuriya.

“Erdogan waa burdhcad wuxuu xaday warshadaheena Saliideena iyo qeyraadka yaga, hadana waxa uu doonayaa in uu qaato dhulkeena mana u dulqaadanayo” ayuu Yidhi Bashar Al-Asad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this