Deeq A. Posted October 23, 2019 Safiirka Soomaaliya ee Kenya , Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka Mareykanka u jooga Nairobi uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaaj kaasoo looga hadlay kiiska Badda. Tarsan ayaa qiray in safiirka uu dhowr bilood ka hor yimid gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasiku daray in looga baahan yahay wargeyskii baahiyey warbixintaasi inuu iska hubiyo wararka uu ka tabiyo, gaar ahaan kuwa la xariira Soomaaliya. “Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay soo shaac baxeen warar sheegaya in magaalada Muqdisho uu yimid safiirka Mareykankaa ee Kenya, islamarkaana uu kiiska Badda kala hadlay Madaxweynaha, si loogu dhameeyo meel ka baxsan ICJ. View the full article Share this post Link to post Share on other sites