Deeq A. Posted October 23, 2019 Gargaarkan oo ahaa mid bani’aadanimo ayaa la gaarsiiyey boqolaal qoys oo ku dhibaateysan duleedka magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan. Deeqdan gargaar oo ah mid hordhac ah ayaa dadkaasi shacabka ah waxaa gaarsiiyey guddoomiyaha maamulka gobolka, Cali Muxumed Caraale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ka war hayaan dhibaatooyinka nololeed iyo barakaca ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle. Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan shacabka ku tabaaleysan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites