Deeq A. Posted October 23, 2019 Shirkan oo sanadkiiba mar la qabta ayaa maanta ka furmi doono magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya oo goor sii horreysay gaaray7 gudaha dalkaasi. Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Qaaradda Afrika, iyadoo diirada la saari doono iskaashiga ka dhexeeya Afrika iyo dalka Ruushka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda isugu imaan doonto shirkaasi. Ka qeyb galka shirkan ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim ah, iyadoona ka faa’iideysan doonto ganacsatada iyo martida kale ee lagu casuumay madasha Afrika iyo Ruushka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites