Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo katirsan badda Soomaaliya iyo Doon ay la socdeen oo lasoo badbaadiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada midowga Yurub ee qaabilsan howlgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ATLANTA, ayaa badbaadiyay ciidamo katirsan kuwa badda Soomaaliya oo ku go’doonsanaa badda.

EU NAVFOR ayaa helay codsi kaga yimid Doon ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya oo ku sugnayd meel 60 Km waqooyi ka xigta degmada Cadale ee gobolka Shabellada dhexe.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay dhibaatooyin farsamo, shaqaalaha la socdayna waxay ka walaacsanaayeen nabadgelyadooda.

Saraakiil katirsan EU NAVFOR ayaa sheegay in lagu guulaystay soo badbaadinta iyo samata bixinta ciidankaas, kadib dadaal dheer oo loo galay baadi-goobka goobta ay ku sugnaayeen ciidankaan.

Howlgalka ATALANTA, ayaa waajibaadkiisa waxaa ka mid ah kormeerka howlaha kalluumeysiga ee xeebaha Soomaaliya, ilaalinta maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Meeting-1024x683.jpg?resize=1000%2C667&s IZLQE2990.jpg?w=1000&ssl=1 TTe-Ponce-Ruiz-1024x768.jpg?resize=1000%

PUNTLAND POST

The post Ciidamo katirsan badda Soomaaliya iyo Doon ay la socdeen oo lasoo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this