Sign in to follow this  
Deeq A.

McCarter: Cidda aan kiiska badda kala hadlay ma ahan Farmaajo, waa la-taliyaashiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter ayaa beeniyey inuu la kulmay madaxweyne Farmaajo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi, balse waxa uu xaqiijiyey inuu la-taliyayaasha madaxweynaha kala hadlay in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.

Qoraalka Daily Nation ee la sheegay in safiirka laga soo xigtay ayaa u dhignaa sidan “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka. Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda”.

Si kastaba, safiirka ayaa waxaa barta twitter-ka xiriir kula sameeyey Golaha Soomaalida Mareykanka ee Somali American Public Council oo arrintan wax ka weydiiyey, waxaana uu sheegay inuusan Farmaajo la kulmin balse uu la kulmay la-taliyayaashiisa.

Kyle McCarter waxa uu sidoo kale xaqiijiyey inuu arrinta badda iyo sidii xal loogu heli lahaa kala hadlay la-taliyayaasha madaxweynaha

“Maya, lama aan kulmin, mana dhihin waan la kulmay. Waxaan la kulmay qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa, waxaana weydiiyey sida ay la tahay in arrintan lagu xalin karo. Waxaan isku dayey inaan fududeeyo heshiis, si labada dal ay u guuleystaan, al-Shabaabna looga adkaado. Al-Shabaab waa cadow guud. Waxaa wanaagsan in arrintan lagu xaliyo si saaxiibnimo, oo aan ahayn maxkamad.” Ayuu yiri Kyle McCarter.

EHhRgrUW4AABuLw.jpeg

Sidoo kale, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, waxaana sidoo kale Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this