Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cabdirashiid Janan oo garoon diyaaradeed loogu magac daray

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo-(Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa maanta munaasabad lagu maamuusayo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo u xiran dowladda federaalka, waxa uu ku qabtay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Doloow waxa ay ugu magac dartay Cabdirashiid Janan (ABDIRASHID JANAN AIRPORT), waxaana munaasabadda magaca Wasiirka loogu bixinayay Garoonka ka soo qeyb galay guddoomiyaasha degmooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa deegaan dhalasho ahaan ka soo magaalada Doolow, waana halkii uu ka soo duulay markii lagu qabtay garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Janan ayaa xiran muddo ka badan 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde xilli oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

Dhawaan ayaa lasoo taagay maxkamad, walina wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka ka soo muuqday.

Buulle Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo muuqday Maxkamadda.

Illaa hadana lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda wasiir Janan iyo sarkaalka.

Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo.

Caasimada Online

Xaafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

1-1.jpg 2-1.jpg 3.jpg 4.jpg 5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this