Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Mursal oo la kulmay ergayga Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.’

kulanka intii uu socday ayaa looga wada hadlay arrimo badan oo ka mid ah shuruucda hortaala baarlamaanka gaar ahaan taageeridda meelmarinta sharciyada la xariira doorashooyinka.

Waxyaabaha sida qotada dheer looga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha dib u eegista dastuurka, dhameystirkiisa iyo sidoo kale sharciyada muhiimka ay tahay in golaha shacabka ay meel mariyaan.

Ku-simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha guud ayaa inta kulanka uu socday isla soo hadal qaaday xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada midoobay

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka dhawaajiyay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha Qaramada midoobay ay isku afgarteen dhamaan waxyabahii laga wada hadlay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this