Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay safiirka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden.

Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aadan ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this