Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo sheegtay in 72,000 ay ku barakaceen Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 72,000 oo qof ayaa ku barakacay fatahaad ka dhacday magaalada BeledWeyne iyo tuulooyin kale oo ku hareereysan bartamaha Soomaaliya iyadoo heerka wabiga Shabelle uu sii kordhayo, hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa  sidaasi sheegtay maanta oo Talaadado ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay inay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta maxalliga ah si looga jawaabo dhibaatada bani’aadamnimada iyadoo la hoy la’aanta dadka soo barakacay iyo musqulo degdeg ahi ay tahay walaac weyn ee jira.

“Haddii fatahaadda wabiga gaarto heerkii ugu sareeyay, waxaa loo baahnaan doonaa doomaha in lala gaaro dadka ku nool meelaha go’doonsan,” OCHA ayaa sidaasi sheegtay.

Saraakiisha Hay’adda ayaa ka digaya in daadadka, kuwaas oo qaar ka dhigay wadooyin kuwa aan la mari karin isla markaana kumanaan ka go’doomiyay gargaarka bini’aadanimo in la gaarsiiyo.

Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dhammaan tuulooyinka ku yaalla waqooyiga magaalada Beladweyne ay saameeyeen biyaha fatahaadda wabiga Shabelle, islamarkaana la jirto cabsi laga qabo inay xanuuno kala duwan ay ka dhashaan.

“Bulshada webiyada waxaa laga codsaday inay guryahooda ugaga baxaan dhul sare si deg deg ah. Roobabka ayaa sii socon doona toddobada maalmood ee soo socda heerarka wabiguna wuu sii socon doonaa, taasoo sii xumaynaysa xaaladda fatahaada,” ayay OCHA tiri.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this