Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye Tallman oo xoriyadiisii dib u helay, raali- galina ka bixiyay eedeymihii loo haystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimihii hore ee Radio Daljir , Axmed Sheikh Maxamed Tallman, ayaa goor dhowayd oo maanta ah dib u helay xoriyadiisii , kadib muddo todobaad ku dhow oo uu ku xirmaa Garowe.

Weriye Tallman oo bartiisa Facebook soo dhigay muuqaal kooban, ayaa raali gelin buuxda wuxuu ka bixiyay fal dambiyeedkii lagusoo eedeeyay, isagoo sheegay dowladdu inay ka gar leedahay.

Tallmaan wuxuu sheegay wararkii idaacaddiisa laga siidaayay in la ogaaday in aysan wadanin cadeymo ku filan islamarkaana aanay ku haboonayn in la baahiyo ama lagu tilmaami karay been abuur ah.

Kadib markii uu la tashaday qareenadiisa, ayuu sheegay inuu go’aansaday inuu dowladda Puntland ka raali geliyo qaladkaas dhacay, si gaar ah wuxuu u raali galiyay taliye Gen, Muxidiin Axmed Muuse.

Wuxuu caddeeyay sababtii uu isaga casilayay agaasimihii Daljir in ay ahayd saamaynta ka dhalatay wararkii idaacaddu baahisay, isagoo sheegay inuu ahaa agaasime kursiga lagula fadhiyay.

Siidaynta Tallman, ayaa kusoo beegantay, iyadoo maalinta berrito ah loo balansanaa in la dhegaysto dacwada loo haystay.

HALKAAN KA DAAWO

PUNTLAND POST

The post Weriye Tallman oo xoriyadiisii dib u helay, raali- galina ka bixiyay eedeymihii loo haystay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this