Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Fiqiga waxa duleedka magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Garoowe.

Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta Fiqiga ayaa yiri “ Fiqi soo dhawoow baan ku leenahay, gacmo furan baan kugu soo dhaweynaynaa, dadka kuu soo baxay waad aragtaa farxadda iyo rayraynta ka muuqata”.

Aad baan ugu faraxsanahay in aad noo timid oo aan kugu soo dhaweyno caasimadda, waxaan rajaynaynaa in aad bulshada qeybaheeda kala duwana aad la kulmi doontid,. Dadkaan dadkaagii weeye dowlad, xukuumad,labadii gole, shacabkii, haween dhalinyaro waa dhan yihiin” ayuu sii raaciyay wasiirka.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlaamanka dowladda Puntland, Cabdicasiis Cabdulahi Cismaan oo isna ka hadlay soo dhaweynta fiqiga ayaa isna yiri “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay oo sharaf weyn noo ah, in aan fiqiga ku soo dhaweyno caasimadda Puntland ee Garoowe, annagoo aan u kala harin dhammaan golayaasha dowladda iyo shacabweynihii caasimadda Puntland ee Garoowe”.

Ugu dambeyntii, Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo hadalka qaatay ayaa u mahadceliyay dhammaan bulshadii soo dhaweysay waxaana uu ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka, gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-25.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-11.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this