Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumanaan qof oo barakacay gobolka HIIRAAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Beleweyne  (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay barakac ka bilowday gobolka Hiiraan iyo Fatahaada wabiga Shabelle.

War qoraal oo ku qornaa Luqadda Engilish-ka oo ka soo baxay wasaaradda Gagaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in dad badan oo gaaraya 12,000 qof ay si iskood uga soo barakaceen gobolka Hiiraan cabsi ay ka qabaan Fatahaada Wabiga Shabelle.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saameyn xoogan oo ka dhalan karta Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba.

Ugu dambeyn wasaarada Gragaarka ayaa ugu baaqday hay’adaha Samafalka inay si deg deg ah uga jawaabaan dhibaatooyinka ka jira gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso

Gargaarka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this