Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Dagaalka Sacuudiga Oo Duqeyn Culus Ka Gaystay Dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday duqeyn diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ay ka gaysteen dhulka buuraha ah ee gobolka Sacda ee dhaca waqooyiga Yemen.

157168794652386.jpg

Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo bilihii la soo dhaafay dagaalyahanada Xuutiyiinta ay weeraro ku qaadayeen koonfurta Sacuudiga.

Dadka ku dhintay duqeynta oo ilaa iyo hada aan la kala cadeyn in ay ahaayeen rayid ama dagaalyahano hubeysan ayaa saarnaa gaari marayay wadada u dhaxeysa magaalada Kitaf iyo degmada Al-Boqeec.

Tv-ga ku hadla afka Xuutiyiinta ee Al-Masiirah ayaa shaaciyay geerida dadkaan xalay
Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo duulaan ku qaaday dalka Yemen sanadkii 2015-kii ayaa marar badan lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aaadanaha oo ka dhacay Dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this