Deeq A. Posted October 22, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites