Deeq A. Posted October 22, 2019 Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Xalay Dhuusaareeb kulan kula qaatay hoggaanka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay tabashada ay Ahlu Sunna ka qabto guddiga farsamada Galmudug oo ay dhowaan ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow shirkaasi ayaa sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay, islamarkaana lagu ballamay kulamo kale. Guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa ka kooban illaa 13 xubnood, kuwaas oo aysan wax hubin ah ku laheyn Ahlu Sunna oo ku xoogan gobollada dhexe ee dalka View the full article Share this post Link to post Share on other sites