Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru Kenya Oo Sheegay In Dalkiisu Shidaalka Oo Qaydhin Ka Dhoofin Doono Dekeda Lamu

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mombasa)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay u isticmaali doonto dekeda Lamu inay ka dhoofiso shidaalka gobolka Turkana, inkastoo uu hore u sheegay in dawaddiisu ay samayn doonto qorshayaal lagu dhisayo kaabayaasha shidaalku u baahan yahay iyo Warshad sifaysa shidaalka.

oil.jpg

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wakhti xaadirkan sheegay in shidaalka Kenya la dhoofin doono isaga oo qaydhin, taas oo macnaheedu tahay inaan wakhtigan waxba uga qorshaysnayn dalkiisu inuu dhiso meelo lagu sifeeyo shidaalka.

“Lamu waxay noqno doontaa meesha ugu baaadhan ee dekeda ugu cusub xeebaha Bariga Afrika, waxaana bilaabmay hawlaha iyo dedaalada dhoofinta shidaalka iyo marinka maraakiibta shidaalka qaadaysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyatta oo ka khudbadaynayey maalinta qaran ee loo yaqaano Mashujaa oo lagu dabaal dagayey Mombasa.

“Waa inaynu taageerna suuqa weyn ee ganacsiga oo aynu filayno inuu soo jiito maalgashadaa iskaga kaa yimaada aduunka oo dhan oo dhaqaale farabadan iyo shaqo abuur tiro badan ay dadkeenu ka heli doonaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha daka Kenya, waxaanu intaasi ku daray in dakada Lamu ay wadato yididiilooyin ah inay isku xidho Koonfurta Sudan, Ethiopia iyo iyadoo la dhisi doono jidad waaweyn oo dalalkaasi Kenya ku xidha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this