Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashooyinka Guud Oo Maanta Dhacaya Canada Raysal Wasaare Justin Trudeau Uu Wajahayo Loolan Adag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Doorashooyinka guud ayaa ka dhacaya dalka Canada maanta, iyadoo ra’yiga laga qaaday dadweynaha ay muujinayaan in ra’iisul wasaare Justin Trudeau uu wajahayo loolan adag.

ED28D57E-3807-4772-AC39-EEF4A5F3B70E_cx0

Codadka ra’yiga ee doorashada ka hor ayaa muujiyey in Ra’iisul Wasaaraha talada haya Justin Trudeau oo hoggaamiya Xisbiga Afkaartiisu Furan tahay ee Liberal-ka iyo hoggaamiyaha xibsiga muxaafidka Andrew Scheer ay aad isugu dhow yihiin.

Caafimaadka iyo is-beddelka cimilada, shaqooyinka iyo arrimaha qaxootiga ayaa ka mid ah qodobada ay aadka u danaynayaan shacabka ee codadkooda ay ku salleynayaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this