Deeq A. Posted October 21, 2019 Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu ku magacaabay Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 84 oo kuna taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, wasiiru-dowleyaal iyo wasiir ku-xigeeno cusub kuwaas oo ku soo biiraya Xukuumaddiisa. Xeerkaan uu soo saaray Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni laguna magacaabay wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir ku -xigeenada ayaa lagu yri. Madaxweynaha markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin: Wasiiru-Dowleyaal: Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Wasiir Ku-xigeeno : Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites