Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray doontii la degtay ciidamada DF iyo ‘qaabkii ay u weerareen’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray doon xalay ku dagtay xeebaha magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee xoogga dalka.

Ciidamadaas ayaa badankood badda laga soo badbaadiyay, balse afar ka mid ah ayaa weli la’yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegay in iyagu ay ku qaadeen weerar badgal ah, kadib markii ay ka war heleen in doontaas ay ka soo baxday magaalada Muqdisho kuna jeedo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

“Xarakada ayaa weerar badda gunteeda ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan DF xilli ay doon ku safrayeen, waxaa noo suurta gashay in baasuukayaal aan lahelno doonta, taas oo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in doontan degtay lagu weeraray inta u dhaxaysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka.

Doonta oo dagtay saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa la sheegay in laga badbaadiyay ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October iyo taliya militeriga Soomaaliya ee aaga degmada Marka.

Ilaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamada ay la degtay doonta, 20 qori oo AK  47 ah, labo BKM (Dabajeex) iyo doontii ayaa lagu waayay badda, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose iyo saraakiisha ciidanka oo ku aadan in meel lagu sheego labadaas askari nolol iyo geeri toona.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this