Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo weeraray saldhigyo ay ku sugnayeen saraakiil sare oo Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamda France ayaa xalay Gantaalo culus ku garaacay saldhigyo ay daganyihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku yaalla degmooyin ka tirsan Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacey saldhigyo aad loo ilaaliyo oo ay leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka dhasheen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ka tirsan kumadaandooska Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeynta markii ugu horreysay lala-eegtay taliska Jubbooyinka ee dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku yiilay degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khsaare soo gaaray ciidamo halkaasi ku sugnaa.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ugu yaraan 3 Gantaal lagu dhuftay xaruntaasi oo ay ku sugnaayeen ciidan loo diirinayay howlgal Milateri, kuwaas oo gaaray in kabadan 100 Askari. Ciidankii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in tobaneeyo kamid ah ay ku geeriyoodeen duqeyntaasi.

Dadka degaanka ee degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyo soo gaaray dagalaamayaal ka tirsan Al-Shabaab balse hakad la geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha markii la qaadayay dhaawacyada xubanhaasi.

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay duqeeyeen Saldhig ay daganayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kala-duwan, kuwaas oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay quqeynta Jilib balse Saraakiisha Soomaaliya waxay sheeganayaan in ay ku dileen tiro badan 20 dagaalame oo ajaaniib ah.

Dhanka kale isla Duleedka Degmada Jilib waxa la Duqeeyay xaruun ay ku sugnaayeen ciidamo Al-Shabaab ah oo lasheegey in loo waday inay ka hortagaan ciidamada DF oo Baardhere ka soo baxaya kuwaas oo ku wajahan Degmada Bu’aale maalmaha soo socoda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in degaano kale oo ka tirsan Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelada Hoose la duqeeyay waxaana dhamaan duqeymahaasi la soo sheegayaa in dagaalamayaal badan ay ku geeriyoodeen.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in howlgalkaan uu bilaaw u yahay abaabulka howlgalo lagu wado in ay ka bilaawdaan Jubbaland oo la isugu furayo 3-da Gobalka ee Jubooyinka iyo Gedo.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka soo dhaqaaqaan degmada Baardheere ee Gobalka Gedo kuwaas oo ku jiheysan degmooyin ka tirsan Jubada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this