Sign in to follow this  
Deeq A.

degdeg: Madaxweyne Deni oo guddoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Bari iyo Gardafu

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweyne Deni oo la tashaday wasiirkiisa arrimaha gudaha, ayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyayaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo.

PUNTLAND POST

The post degdeg: Madaxweyne Deni oo guddoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Bari iyo Gardafu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this