Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia: “Warbaahinta madaxa bannaan waxa ay heshiis kula jiraan argagixisada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo aan caadi ahayn ayada oo ku eedeysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab.

Warkan ayaa waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan badqabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eedeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka.

Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eedeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Maareeye ma uusan yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eedaymaha ka dhanka ah warbaahinta

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay in ay soo saarto  go’aaan mideysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakin ma uusan faahfaahinin arintaasi.

Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aysan buun buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eedeynayay in ay caburin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Gefka Maareeye ayaa imanaya ayada oo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runt aka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this