Deeq A. Posted October 21, 2019 Doonidan ayaa waxaa la socday ciidan ka tirsan Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, iyadoona uu horkacayay G/dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan), Taliyaha Guutada 14-ka October. Wararka ayaa sheegaya in doonida ay ku degtay meel dhawr kiilo mitir u jirta Dekeda Magaalada Marka, lana soo badbaadiyay toban askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 14-ka October. Wararka ayaa intaa ku daraya in nolol iyo geeri aan midna lagu hayn saddex ka mid ah ciidankii doonida saarnaa. Ciidanka la soo badbaadiyay ayaa waxaa Magaalada Marka la keenay iyagoo hubkooda iyo dareyskooduba ku labisan, balse ay maqan yihiin askartii kale ee safarka badda ay soo wada galeen iyo saanadii ay wadeen. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Magaalada Muqdisho ka diray ciidan la socda doomaha nooca dheereeya, kuwaa oo lagu wado in ay ka qayb qaataan dadaalada lagu doonayo in lagu soo samata bixiyo askarta la la’yahay. Ciidankan ayuu ujeedkoodu ahaa in safar dhinaca badda ah ay ku taggaan Magaalada Marka, sababo ku aadan Shabaabka oo dhinaca dhulka ka go’doomiyay magaaladaasi. Ciidankan oo ka tagey Magaalada Muqdisho ayaa saanad hub ah u siday Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Marka, waana markii ugu horeysay oo shil noocaani oo kale ah uu ku qabsado Xeebaha Magaalada Marka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites