Deeq A. Posted October 21, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo Al-Shabaab iyo ciidanka Jubbaland maanta ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamadaasi ay ku lahaayeen duleedka degmada Dhoobley. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Bed-Alamo oo hoos yimaada magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites