Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil ka geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay agagaarka isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj, waxaana fuliyey askari ka tirsan Booliska, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in marxuumka iyo askariga ay murmeen kadibna uu rasaas ku furay, taasoo keentay in waduhu u geeriyoodo dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey dilkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa waxyeelo kala duwan u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka nooca Bajaaj-ta ee ka shaqeeysa gudaha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this