Deeq A. Posted October 21, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay agagaarka isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj, waxaana fuliyey askari ka tirsan Booliska, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in marxuumka iyo askariga ay murmeen kadibna uu rasaas ku furay, taasoo keentay in waduhu u geeriyoodo dhaawac soo gaaray. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey dilkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa waxyeelo kala duwan u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka nooca Bajaaj-ta ee ka shaqeeysa gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites