Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland oo Garowe tababar loogusoo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, sareeye gaas, Yaasiin Cumar Dheere, ayaa maanta xarunta taliska ciiddanka difaaca Puntland ee 54-aad, tababar ugusoo xiray ciidamo katirsan daraawiishta.

Tababarkaan oo socday ku dhawaad bil, ayaa ciidamada loo tababarayay tabta dagaalka, sancada hubka nuucyadiisa kala duwan, difaacida xuquuqda dadka iyo macluumaadka baarista qaraxyada.

Ujeedadu loo tababaray waxay ahayd in kor loo qaado tayaynta ciidamada Puntland, iyadoo laga duulayo siyaasada madaxweynaha Puntland ee ku salaysan dhisida iyo horumarinta awooda ciidamada Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabarey, oo qeyb galay xaflada xiritaanka, ayaa bogaadiyay tababarkaan, wuxuuna sheegay Puntland in ay u baahan tahay in ciidamada awoodooda aad loo dhiso maadaama ay leedahay cadowyo qatar ku ah jiritaankeeda.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, sareeye gaas, Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay ciidamadaan maanta la tababaray inay qaateen tababar xirfadeed nuucii ugu horeeyay ee la bixiyo.

Taliyuhu wuxuu sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay diyaar garowga tababarka guud ee ciidamada Puntland iyo dugsiyadii lagu tababari lahaa ciidamadaas oo qeyb kamid ah dhowaan xariga laga jarayo.

In ka badan 500 askari, ayuu taliyuhu sheegay inay haatan ku xaraysan yihiin xerada tababarka Xorgoble ee degmada Qardho.

Ugu dambayn, taliyaha ciidanka iyo wasiirka warfaafinta ayaa shahaadooyin iyo abaal marino guddoonsiiyay macalimiintii tababarka bixinaysay iyo ciidamadii tababarka qaatay oo maanta iyagu dib ugu laabanayay goboladii ay ka yimaadeen.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA IYO MUUQAALKA.

IMG_4799.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4801.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4804.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4806.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4809.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4821.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4828.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4852.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4857.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_4864.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

.

The post Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland oo Garowe tababar loogusoo xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this