Sign in to follow this  
Deeq A.

Qardho: Laamaha garsoorka oo laga dalbaday in ay caddeeyan habka loo sii daayay maxaabiis aan xukunkoodii dhammaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa ku eedeeyay maxkamadda derejada kowaad tan rafcaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Karkaar in ay sii daayeen xukmanayaal aan xabsigoodii dhammaysan.

Guddoomiye Faahiye ayaa laamaha garsoorka gobolka Karkaar ka dalbaday in ay caddeeyaan hannaanka loo maray sii daynta Maxaabiista aan dhamaysan Xukun waqtiyeedka lagu ridday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in laamaha caddaaladdu kala shaqeeyaan oo qeybina wax ciqaabto qeybina wax cafiso islamarkaana ay bulshada u kala qeybiyaan qaar cadow ah iyo qaar xabiin ah.

Hoos ka akhriso qoraalka guddoomiyaha

aa.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qardho: Laamaha garsoorka oo laga dalbaday in ay caddeeyan habka loo sii daayay maxaabiis aan xukunkoodii dhammaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this