Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo deegaan muhiim ah kala wareegtay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolkaasi.

Al-Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Bed-Alamo ayaa waxaa ay kala wareegtay ciidamada Jubbaland oo muddo ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray halkaasi kadibna looga saaray ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Ilo deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay haatan ka wado baaritaano.

Deegaanka Bed-Alamo ayaa dhaca xadka dheer ee kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Muddooyinkii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa ka socday gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this