Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyey M/ Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay illaa saaka ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sheegay in markii dambe la sii daayey dhalinyarada qaarkood, kadib baaritaano lagu sameeyey.

Baaritaanadan ayaa daba socday dil xalay Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim loogu geystay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ammaanka degmadan ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoo maamula gobolku uu qeyla dhaan amni u diray Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this