Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo ganacsade ku dilay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ganacsade caan ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xaaji Siciid Ciise Cabdi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee magaaladaasi.

Afhayeenka amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ka hadlay dilkaasi ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada marxuumka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku raadjoogaan raggii geystay dilkaasi, islamarkaana howlgallo lagu baadi goobayo ay ka wadaan gudaha Kismaayo.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonya falal ammaan darri oo doorasho Jubbaland, kadib ka dhacayey deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this