Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub iyo Ciidan lagu la’yahay Dooni Militeri oo ku degtay xeebta magaalada Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka-(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya xeebta bad weynta Hindiya ee Magaalada Marka ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay ku dagtay doon ay wateen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya.

Badda ayaa waxaa wali ku maqan hub iyo ciidan iyadoo qaarna laga badbaadiyay, ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Guutada 14-ka October ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo ku maqan xeebta magaalada Marka.

Taliyaha Guutada 14-ka October Cabdi Muuse  iyo 12 askari oo kale ayaa laga soo badbaadiyey badda, kadib markii dooni ay ku safrayeen ay xalay ku degtay xeebta magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha gobalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in laba askari, ku dhawaad 20 qori oo AK 47 ah, 2 PKM(Dabajeex) iyo doontiiba lagu la’yahay gudagha badda.

Ciidan kale ayaa isla xalay ka soo baxay Muqdisho, kuwaas gurmad ahaan ugu yimid ciidanka iyo hubka ay doontu kula dagtay xeebaha Marka si loo badbaadiyo.

Ciidanka ay doontu la dagtay ayaa sida la sheegay ka soo baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxayna doonayeen in safar dhanka Badda ah ay ku soo galaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Waayihii dambe inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya ee iskaga kala gudbaya magalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose ayaa safaradooda u weeciyay dhanka Badda, maadaama uu adkaaday marinka dhulka oo ay Al-Shabaab miinooyin galiyeen meel kasta.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada.net

Caasimada Online

Xaafiiska Marka

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this