Deeq A. Posted October 20, 2019 Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland waxaa caawa fiidkii lagu dilay ganacsade caan ah. Marxuum Siciid Ciise Allaha u naxariisee ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa Siciid Addoon ayaa koox hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Kismaayo, waxaana dhaawac lagu geeyey Cisbitaalka magaalada, halkaas oo markii dambe ku geeriyooday. Dilka Marxuum Siciid Addoon ayaa aad looga dareemay magaalada Kismaayo, iyadoo dad kacsana lagu dhex arkayo magaalada Kismaayo. Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilka Marxuum Siciid Addoon oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn deegaanada Jubbaland. Bishan October 3-deedii ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar uu u geeriyooday dhaawac bishii hore ee September loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Ganacsade caan ah oo lagu dilay Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites