Sign in to follow this  
Deeq A.

Loolan Ka Dhex Socda Urur Goboleedka IGAD (Kenya Iyo Itoobiya Oo Isku Dhinac Noqday, Iyo Jabuuti Iyo Soomaaliya Oo Isla Saftay)

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa  halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex-galay qaar ka mid ah waddamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cidda qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka.

GEELLEFARMAAJOABEY.jpg

Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa lagaga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey.

Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta.

Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan.

Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya waayayso xilka Guddoomiyanimo.

Soomaaliya ayaa hore u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD.

Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilaamay qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD.

Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this