Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Weriyaasha Muqdisho oo laga mamnucay xaruntii ay isugu iman jireen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay taliyaha booliiska Saldhigga degmada Xamar-wayne ayaa maanta oo Axad ah looga mamnuucay in aysan wax qalab ah la soo geli karin dhismaha Guriga Hooyooyinka Weriyaasha madaxa-banaan ee ka shaqeeya warbaahinta magaalada Muqdisho.

Tobaneeyo kamid ah Weriyaasha gobalka Banaadir ayaa Saakay laga celiyay dhismaha Guriga Hooyooyinka waxayna sababsadeen amar hore u yiilay oo ahaa in aan halkaas waxba lagu duubi karin, balse ay shalay ku duubeen cabasho ay ka qabaan tabintii fadhiyada Golaha Shacabka oo laga istaagay.

Weriyaasha ayaa loo ogol-yahay in ay yimaadaan Dhismaha Hooyooyinka balse marka ay soo galayaan waxay soo marayaan baaritaan hadii qalabka wax duuba maqal ama muuqaal lagu arko looma ogola in ay gudaha u galaan dhismaha waxayna arintaasi sababtay in Weriyaal badan ay maanta geli waayeen Guriga Hooyooyinka.

“Waan geli waayay dhismaha Hooyooyinka waxaana la ii sheegay in aan laabto oo aan iska soo dhigo Kaamirooyinka, xaruntayda ma dhawo soomana bixi karo qalab la’aan waayo halkaan ayaa ka aadaa shaqada” ayuu yiri Kaamira-maan ka tirsan mid kamid ah TV-yada dalka.

Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku dhax-taalo oo lagu magacaabo The Village waa rugta ugu wayn oo ay Subaxdii isugu yimaadaan Weriyaasha magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku kala warqaataan waxayna halkaan ku waayeen Weriyaal badan oo Al-shabaab ku dileen qaraxyo kadib weeraro ka dhacay waqtiyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this