Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalia iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda XFS, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo ku simaha xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah shacabka labada wadan, kadib kulan ay yeesheen marka uu soo dhammaaday midka sanadlaha ee hay’adda Lacagta IMF.

Labada Mas’uul ayaa cod dheer ku sheegay in marbnaba wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin qaxooti Soomaaliyeed ee Kenya kiiska Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in muhiim tahay in laga shaqeeyo xoojinta ganacsiga labada dal.

Kenya oo ka mid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururo badan oo gargaar siiya Soomaaliya.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dowladood, kaas oo uu uga sii kiiska Badda ee yaalla ICJ.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this