Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuc oo ka horyimid go’aan ka soo baxay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Senotor Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Puntland ku matala Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa ka horyimid go’aankii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ka furteen gudaha Puntland.

Mashruuc ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurk dalka iyo dhammaan shuruucda u taalla dalka.

Sidoo kale wuxuu xusay in Puntland aysan is hortaagin karin xubnaha ku matala Puntland, haddii ay xafiisyo ka furanayaan deegaan doorashooda.

Senatorka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya.

Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliy ay ku leeyihiin maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this