Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la kulmay Wasiirka Horumarinta Denmark

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this