Deeq A. Posted October 20, 2019 Xubnaha guddiga farsamada ee maamulka u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Guddiga oo ka kooban oo 13 xubnood ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay halkaasi kulamo ka bilaabaan, kuwaas oo xal loogu raadinayo Galmudug oo mid ah. Dhowaan ayey aheyd markii guddigan ay magacowday wasaaradda arrimaha gudahan, waxaana ka horyimid Ahlu Sunna, inkastoo ay haatan socdaan wadahadalllo hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites