Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga farsamada Galamudug oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha guddiga farsamada ee maamulka u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guddiga oo ka kooban oo 13 xubnood ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay halkaasi kulamo ka bilaabaan, kuwaas oo xal loogu raadinayo Galmudug oo mid ah.

Dhowaan ayey aheyd markii guddigan ay magacowday wasaaradda arrimaha gudahan, waxaana ka horyimid Ahlu Sunna, inkastoo ay haatan socdaan wadahadalllo hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this