Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey laba qodob oo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo uu haatan ka dhexeeyo muran xoogan ayaa ku heshiiyey qodobo muhiim u ah labada shacab.

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani oo kulan ku yeeshay magaalada Washington ayaa isla gartay in muranka Badda uusan saameyn howlaha gargaarka iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale waxa ay ku ballameen labada wasiir in ay ka wada shaqeyn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado, si uusan markale u dhicin khilaaf diblumaasiyadeed.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kadib shirka miiska wareegsan ee Bangiga Aduunka iyo Hay’adda IMF ayey wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya shaaciyeen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda labada dal oo salka ku haya dhul Badeed dhan 150,000 oo KM ayaa waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac, kaas oo ka sii daray, markii ay dowladda Kenya qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya.

Dacwadda Badda oo haatan ka furan ICJ ayaa dib loo dhageysan doonaa 8-12 June ee sanadka 2020-ka, iyadoo muddo laba jeer dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this