Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo bedala AMISOM ka raadineyso labo dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku raadineyso ciidamo bedala kuwa nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM, kuwaas oo qorshuhu yahay inay dalka isaga baxaan sanadka 2021-ka.

Wargeyska The East African ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan la dagaalama Al-Shabaab marka ay baxaan AMISOM ay ka raadineyso dalalka Turkiga iyo Eritrea.

Sidoo kale wargeyska ayaa shaaciyey in haatan dowladdu ay wadahadallo kula jirto labadaasi dal, si ay uga hesho taageero ciidan.

Lama oga sida uu ku dhaqan gelin doono qorshahan, maadaama dalalka Turkiga Eritrea, haddii ay ciidamo u soo dirayaan gudaha Soomaaliya ay ansixin uga baahan yiihiin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida xoogan u taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidanka Xoogga, halka Eritrea ay muddo dhow dib u soo ceshatay xiriirkii ay la halayd Soomaaliya, taasoo sahashay kulamo dhex maray labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this