Deeq A. Posted October 20, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah Senatorada Puntland ku matala Aqalka Sare ayaa ka horyimid go’aankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ee ay ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ka furteen Puntland. Senator Mashuruux ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurka,dalka, islamarkaana aan la hor istaagin xubnaha Puntland ugu jira dowladda dhexe ee Somalia. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya. Ugu dambeyn Senator-ku waxa uu carabka ku dhuftay inuu soo soo dhaweynayo fikradda ah in deegaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka ay sameystaan xiriir joogta ah. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo ay wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada Qorsheynta iyo shaqada Soomaaliya ay ka furteen maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites