Deeq A. Posted October 20, 2019 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay hub iyo saanad ciidan ka dajisay dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi doomo looga qaaday dekedda weyn ee Muqdisho, laguna geeyey xeebta magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hubkan loogu talaya ciidanka dowladda, qeybta 21-aad oo howlgallo ka wada gobollada Mudug iyo Galgaduuud. Dhowaan ayey aheyd markii saraakiisha ciidamada dowladda ay ku dhawaaqeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites